AKHRI : Warqado Hanjabaad Ah Oo Lagu daadiyey Qeybo kamid ah Muqdisho & Cida ka dambeysa

Wararka naga soo gaaray dhowr degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shabaab ay warqado Hanjabaad ah ku daadiyeen.

Warqadaha ay maleeshiyada ku daadiyeen degmooyinka ayaa waxaa ku qornaa Hanjabaado ku socda Hoteelada iyo Xarumaha dowlada ee ku yaala degmooyinka.

Degmooyinka lagu daadiyay warqadaha maleeshiyada ayaa waxaa dadka deegaanka lagu wargaliyay inay isaga fogaadan Xarumaha dowlada iyo Hoteelada ay ag degan yihiin.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Degmooyinka Huriwaa, sida xaafadda suuqa xoolaha, Howlwadaag, qeybta suuqa Bakaaraha ayaa kamid ah goobaha lagu daadiyay warqadaha.

Dadka ku dhow dhow goobaha laga digay ayaa durba wajahay walaac dhank amaankooda, walow maleeshiyaadka Shabaab ay talaabada noocaasi ah ku qalqal galiyaan shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan arrintaani weli kusoo baraarugin Hay’adaha amaanka dowlada oo iyagu dagaal ba’an kula jira Shabaab.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad