AKHRISO : Wararkii Ugu Dambeeyay Safarka MD Farmaajo uu ku tagayo Puntland oo War lama filaan ah laga helay

Kulanka Khamiis-laha ee golaha wasiirada maamulka Puntland ee shalay oo uu shir Guddoomiyay Madaxweyne Cabdiwali Gaas, ayaa diiradda lagu saaray dhowr qodob oo ay ku jirto dagaalka Daacish, Al Shabaab, Qaban qaabada 19 guurada kasoo wareegtay Aas-aaska Puntland iyo Canshuurta Puntland.

Shirkan oo warbixino looga dhagaystay Guddiga Abaaraha oo horkacayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Camey, ayaa sheegya inay jiraan deegaano ay ka jirto xaalad abaareed, gaar ahaan gobollada Nugal, Mudug iyo Sool.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Amniga ayaa aad looga hadlay, waxaana la sheegay in dowladdu wadi doonto dagaalka Al Shabaab iyo Daacish inta laga sifaynayo.

Golaha xukuumadda Puntland, ayaa shirkooda ku magacaabay labo Guddi oo ay kala qaabil sanaan doona xafladda 1 august ee Aas-aaska Puntland iyo soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad