Baasaboorka Soomaliya Waxaa lagu tegi karaa 36 dal Visa la’aan (Daawo Video Sir ah)

Hadii aad haysato baasaboorka Soomaaliya waxaad fursad u haysataa in aad u dhooftid 36 dal adigoo aan wadan ama dalban dal ku gal (Visa).

HALKAN KA DAAWO WADAMADA LAGU TAGI KARO

Sideed kamid ah dalalkaas uma baahnid wax Visa ah. 28-ka kale waxay dal ku galka kugu siinayaan garoonka dhexdiisa (Visa Upon Arrival).

Waa suurta gal wadamada qaarkood in ay kugu xiraan shuruudo, tusaale ahaan Lubnaan marka aad kasoo degtid garoonka waa inaad sidato $2000 iyo tigid noqosho ah si laguugu ogolaado in aad u gudubtid gudaha dalkaasi.

Dalalka aad ku tegi kartid Visa la’aan:

1-Anguilla
2-Dominica
3-Micronesia
4-Haiti
5-Malaysia
6-Niue
7-Philippines
8-Saint Vincent
9-The Grenadines.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Dalalka Visaha kugu siinaya garoonka dhexdiisa.
1-Bangladesh
2-Burkina Faso
3-Mali
4-Cook Islands
5-Cape Verde
6-Djibouti
7-Georgia
8-Guinea-Bissau
9-Guyana
10-Cambodia
11-Comoros
12-Saint Kitts and Nevis
13-Lebanon
14-Sri Lanka
15-Madagascar
16-Macau-(waa maamul goboleed ka tirsan Shiinaha sida Hong Kong).
17-Mauritania
18-Maldives
19-Mozambique
20-North Cyprus-(Wadankan dunidu ma aqoonsana marka laga reebo Turkiga).
21-Palau
22-Rwanda
23-Seychelles
24-Togo
25-East Timor
26-Tuvalu
27-Uganda
28-Samoa

Dhamaan wadamada kale ee dunida hadii aad doonayso inaad ka hesho dal ku gal waa inaad martid nidaamka caadiga ah, iyadoo dalkastaa leeyahay xeerar u gaar ah.

Waxa jira dalal aan inta badan Visa siin qofka wata baasaboor Soomaaliga oo diida codsigiisa xataa iyagoo aan qiimayn.

Dalalka diida isla markaba codsiga qofka sita baasaboorka Soomaaliya:

Sababta oo ah xuduudaheeda waxa maamula Israel oo diida in dalkaas loo gudbo)

1-Italy
2-San Marino
3-Vatican City
4-United Kingdom
5-Hungary

Hadii aad jeceshahay inaad ku safartid baasaboorka Soomaaliya fadlan booqo mareegta Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka aad u safraysid ama toos u tag safaarada kuugu dhow si aad uga heshid macluumaad badan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad