DAAWO : Qoys Reer Finaland ah oo Dacwad Yaab leh kusoo Oogay Ganacsade Soomali ah

Abdi Osman oo ah Ganacsadde Soomaaliyeed oo mudo dheer ku sugnaa dalka Finland ayaa sameeyay arin soo jiidatay indhaha dadka dalkaas kadib markii uu maxkamad la fuulay qoysas dalkaas kasoo jeeda oo soo dacweeyay.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa guryo ka gatay magaaladda Helsinki ee caasimadda Finland, laakiin waxaa uu guryahaas mid kamid ah usameeyay xarun gaar ah oo lagu xanaaneeyo Dooradda.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Dooradan ayaa waxaa ku jiray Diiq ama labka doorada kaas oo subaxa hore qeyliya, arintaas ayaana waxaa dhibsaday dadka deriska ah taas oo keentay in la maxkamadeeyo Ganacsadahan Soomaaliyeed iyo Diiqiisii.

Dacwadda oo mudo socotay ayuu Muwaadinka Soomaaliyeed ku andacoonayay In Diiqan qeyladiisa ay tahay qeyb kamid ah noloshiisa maadaama uu kusoo xasuusanayo dalkiisii Soomaaliya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad