DAAWO :-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La dar-daarmay Shacabka & Maamulka Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay isku-imaatin ballaaran oo lagu soo dhaweynayo wafdiga Xukuumadda ee ku sugan Kismaayo.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Ka hor Munaasabadda Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhagax dhigay labo xarumood oo ku shaqeyn doonaan Wasaaradaha, Beeraha, Kaluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha iyo xarun loogu tagalaya in dhalinyaradu ay ku kulmaan.

Munaasabaddan oo ka dhacday hoolka shirarka ee Daawad ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal dadweyne isaga kala yimid xaafadaha magaalada Kismaayo. waxana uu Ra’iisul Wasaaruhu ka hadlay arrimo muhiim oo ka mid yihiin midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Qaar kamid ururada bulshada Kismaayo, sida Odayaasha, Haweenka iyo dhalinyarada oo munaasabadda hadallo qiimo badan ka jeediyey ayaa soo dhaweeyey in shirka Golaha Xukuumadda lagu qabto Kismaayo markii ugu horeysay. Waxana ay bogaadiyeen dadaalada Xukuumadda ee ku aadan in xukunka hoos loo daadajiyo, lana xoojiyo shaqada hay’adaha federaalka iyo kuwa gobollada.

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in deegaano badan oo kamid ah Jubbooyinka ay weli gacanta ugu jiraan argagixisada, isla markaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ee mudada badan ay cadowgu dhibaatada ku hayeen loo gurmado, lagana kor qaado cadowga. wuxuna ka codsaday dawladda federaalka inay gacan ku siiso xoreynta dhulkaas.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad