Daawo video : Taliyaha Militariga DF oo Noqday Farmaajaha Cusub ee dalka kadib Markii uu Soo Saaray Go’aankii ugu

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneral Maxamed Adan Axmed ayaa si kulul usheegay in imtixaan xoogan ay mari doonaan ciidamada militeriga Soomaaliya, maadaama ay haystaan garaadooyin aysan uqalmin.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadii garaadooyinka la siiyay mudooyinkii ugu dambeeyay aysan ahayn kuwa xaq ah maadaama in garaado la helaa ay ubaahan tahay aqoon, karti iyo in mudo aad shaqeyso.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in xaq aysan aheyn iney jiraan ciidamo wax ka badan 10 sano soo waday shaqada soona qaatay tababaro kala duwan haatana aanan helin wax garaad ah, halka dhalinyaro meelaha laga soo aruuriyay ay garaadooyin iyo xidigo aysan uqalmin ku tixan yihiin.

Hadalka Taliyaha ayaa kusoo aadaya iyadoo madaxweynaha DF uu cadaadis xoogan ku saaray taliyaasha ciidamada iney ka qeyb qaataan amaanka Muqdisho

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad