DEG DEG : Warar Sheegaya in Amaanka Madaxweynaha Cusub loo Cabsanayo & Hoteelka la geynayo

Warar haatan nasoo gaaray ayaa sheegaya in madaxweynaha cusub lagala cabsaday in la geeyo gurigii uu daganaa iyadoo aan la hubin amaanka gurigiisa.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in haatan madaxweynaha Cusub Maxamed Cabdullahi Farmaajo loo galbiyay dhanka hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Hoteelkaas oo ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa uu kamid yahay goobaha amaankooda sida weyn loo adkeeyay.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Warar kale ayaa sheegaya in laga yaabo in saraakiisha amaanka ay xataa badalaan in hoteelkaas la geeyo madaxweynaha, waxaa kale oo la sheegayaa iney suura gal tahay in la geeyo xarunta Xalane ee Muqdisho.

Jawiga magaalada Muqdisho ayaa ah mid aan caadi aheyn iyadoo la maqlayo rasaas aad uxoogan oo ah mid loogu dabaal dagayo madaxweynaha cusub

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad