DHAGEYSO : Wararkii Ugu Dambeeyay ee Magacaabida Golaha Wasiirada & Siyaasiyiin Caaan ah oo..

RW Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lasoo sheegayaa in mashquulkii ugu dambeeyay ay ugu jiraan in lasoo saaro liiska golaha wasiirada cusub.

Warar aynu helnay ayaa sheegaya in RW kheyre ay aheyd inuu soo magacaabo golihiisa wasiirada arbacadii shalay, laakiin si lama filaan ah ayay arintaas ubaaqatay.

Xafiiska madaxweynaha ayaa ahaa mid saacadihii lasoo dhaafay si weyn umashquulsanaa, iyadoo ay dhaceen kulamo ay madaxda DF la leeyihiin xildhibaanada labada gole, odayaasha beelaha iyo Siyaasiyiin badan.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Waxaa jira warar kale oo sheegaya iney diyaarsan yihiin liiska golaha wasiirada, kaliyana la sugayo in lagu dhawaaqo saacadaha soo socdan.

Siyaasiyiin ay kamid yihiin musharaxiintii isbadal doonka ayaa ka cabsi qaba in Wasiirada cusub ay noqon doonaan kuwa qurba joog ah oo siyaasada ku cusub.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad