TOP DHAGEYSO : Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Maanta ka doodaya Miisaaniyada Lixda bilooda +SIR CULUS

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya miisaaniyada lixda bilood ee soo socota, kaddib markii arbacadii la soo dhaafay loo qeybiyay nuqulo ka mid ah miisaaniyadda.

Miisaaniyada lixda bilood ayaa la sheegay inay ka badan tahay miisaaniyaddii hore, waxaana jira su’aalo badan oo laga keenayo qaabka lagu saleeyay miisaaniyaddan oo la sheegayo in qaladaad badan uu ka jiro.

HALKAN RIIX : OO KA DHAGEYSO CODKA

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa soo akhristay 48-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo maanta oo sabti ahna ay ka doodayaan, waxaana jiri doona Xildhibaano is qora oo ka fal celiya waxyaabaha ay ka tabanayaan ee qaladaadka ku jira miisaaniyadda.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa la filayaa in laga weydiiyo su’aalo la xiriira miisaaniyadan, waxaana marka la soo gaba gabeeyo lagu wadaa in cod loo qaado.

Dalka ayaa xilligan wax miisaaniyad laheyn, iyadoo la is weydiinayo sida dowladda ay u maareyneyso dhaqaalaha, maadaama bishii tagtay ee June uu ku ekaa miisaaniyadii dowladda.

HALKAN RIIX : OO KA DHAGEYSO CODKA

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad