WAR DEG DEG AH : Ciidamo Farabadan oo Saaka Lasoo Dhoobay Xadka Ay Wadaagaan Soomaliya Iyo Kenya +Maxaa Soo Kordhay (Aqriso)

Wararka aan ka heleyno Xadka ay Wadaagaan Wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi la soo dhoobay Ciidamo farabadan oo kuwa Kenya ah kuwaas oo howlgallo baaritaano ah halkaasi ka wada.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa waxaa Saraakiisha Ciidamada Kenya ay sheegeen in ay ku qabteen tiro dhalinyaro ah kuwaas oo ay uga shakisan yihiin in ay xiriir la leeyihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya ay baarayaan Gaadiidka Waaweyn ee dadka ka qaada degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo,gaar ahaan degmada Balad Xaawo halkaas oo dhowr mar dagaalyahanada Al-Shabaab ay weeraro ka geesteen.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Ugu dambeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Kenya ayaa howlgalkaan waxa ay ku sheegeen in uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga guud ee Gobolka Waqooyi Bari islamarkaana looga hortagayo weeraro kale oo ay ka geestaan Al-Shabaab.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad