WAR DEG DEG AH : Maraakiib Sida Ciidankii iyo Hubkii ugu Badnaa oo ku Soo Wajahan Xeebaha Wadanka.

Maraakiib wada ciidammo Shiinays ah ayaa u dhaqaaqay dhanka dalka Jabuuti oo uu ku yaallo saldhigii milatari ee u horeeyay ee ay ku yeehsaan meel dalkooda ka baxsan, sida ay ku warrantay warbaahinta dawldda.

Shiinaha ayaa sheegay in saldhigaas uu gacan ka gaysan doono nabad ilaalinta iyo gargaarka banii’aadannimo ee Afrika iyo Galbeedka Aasiya.

Waxaa kale oo saldhigaas loo adeegsan doonaa is kaashi milatari, laylyidda ciidamma badda iyo hawlaha samato bixinta, sida ay ku warrantay Xinhua oo ah wakaaladda wararka ee Shiinaha.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Shiinaha ayaa dardargaliyay maalgashiga Afrika isaga oo sidoo kalene si dhakhso ah u casriyeeyay milatarigiisa sannadihii dhawaa.

Wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa ku warrantay in maraakiibta wadda askartu ay ka dhaqaaqeen magaalo xeebeedka Zhanjiang ee dalka Shiinaga Talaadadii.

Ma aysan sheegin tirada maraakiibta iyo askarta iyo goorta uu hawlgalka billaabi doono saldhigaasiba.

Waxaa la sheegay in saldhiga Jabuuti uu ka dhashay “wadahadallo saaxiibtinimo” oo dhexmaray labada dal. Warar horana waxay sheegeen in dhismaha saldhigu uu billawday sannadkii hore.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad