War Farxad leh Oo Ku Saabsan Adeegga Internetka Koonfurta Soomaliya (Akhriso)

Saddex toddobaad kadib Markii uu go’ay adeegii internetka Koonfurta Soomaliya ayaa lagu dhawaaqay War Farxad leh oo ku Saabsan Soo laabashada Adeegaasi.

Wasiirka Wasaarahada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukumada Soomaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa laga Soo xigtay in Saacadaha Soo Socda uu dib u Soo laaban doono adeegi Internetka ee Muqdisho iyo Gobolada Koonfureed
Wasiirka oo ay Soo xigtay Warbaahinta dowlada ayaa Sheegay in Cilad bixinta Xarkihii Fibre Optic-ada ee ka Socotay Xeebta Jazeera ee Magaalada Muqdisho ay Meel fiican mareyso isla Markaana si dhaqso ah loo heli doono adeegii internetka

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Horey ayuu Wasiirku u Sheegayin Axada uu dib u soo Noqon doono internetka iyadoo Markab ka yimid Dubai uu Cilad bixinta bilaabay Jimcihii

Internetka ayaa Muddo 22 Maalmood ka maqan gobolada Koonfurta Soomaliya iyadoo qasaare wey laga dhexlay arrintaasi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad