XOG -Hogaamiyaha Daacishta SOOMALIYA C/qaadir Muumin oo U Sharaxan Amiirka Guud ee ISIS ..

Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee kooxda Daacishta Soomaaliya C/qaadir Muumin ayaa la ogaaday in uu ka mid yahay Musharaxiinta ugu cad cad Xiligaan in loo magacaabo Amiirka guud ee Daacish.

Warbaahinta dalka UK ayaa maanta qortay C/qaadir muumin oo ku noolaan jiray dalka ingiriiska in uu hada u sharaxan yahay amiirka Daacish isagoo maalmihii lasoo dhaafay qoraalo iyo fariimo cod ah u diray madaxda kooxdaasi maadaama la xaqiijiyay in la dilay hogaamiyahii guud ee kooxdaasi Al-baqdaadi.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQAALKA

Warbixinada la daabacay ayaa lagu sheegay in C/qaadir muumin oo hada ku magacaaban hogaamiyaha Daacishta Somalia in ay macquul tahay in xilkaasi loo magacaabo maadaama uu yahay shaqsi fahansan howsha Argagixisada sidoo kalana ay la dhacsan yihiin hogaamiyaasha kale ee kooxdaasi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad