XOG LA HELAY :-Xaafiiska Raysal Wasaare Kheyre Oo Isku Badalay Mid Lagu.

Waxaa wali Villa Somalia ka socda buuxinta feylalka Musharaxiin u taagan kamid noqoshada Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee dhawaan la filaayo in lagu dhawaaqo.
Musharaxiinta u taagan xilalka Wasaaradaha ayaa gudbinaaya feylalkooda, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xasan Kheyre.
Madaxweynaha Somalia Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Diiwaan galinta iyo uruurinta feylalka u magacaabay Mas’uul qarsoon oo shaqadiisu ay tahay qaadista Cadeymaha Tariikhda Shaqo iyo CV-yada xil doonayaasha doonaaya inay ka mid noqdaan Golaha Wasiiradda ee lagu dhawaaqi doono.
Mas’uulka loo magacaabay diiwaan galinta iyo uruurinta feylalka ayaa sidoo kale xaqiijinaaya CV-yada Musharaxiinta isagoo arrintaasi kala kaashanaaya dad ku dhow dhow Musharaxiinta jaga doonka ah.
Ilo wareedka aan xogtaani la wadaagnay ayaa xaqiijiyay in qabiil kasta loo sameeyey Khaanad lagu rido Codsiyada Musharaxa ay usoo camaamadeen ee la doonaayo inuu kamid noqdo Golaha Wasiirada Xukuumada cusub.
Qaar kamid ah Musharaxiinta ayaa aad u dhaliilay Hanaanka cusub ee Villa Somalia ay kusoo xuleyso Wasiirada cusub, waxa ayna qabaan inaan la shideyn Musharaxiinta isla markaana loo fududeeyo aqbalaadooda.
Sidoo kale, Musharaxiinta ilaa iyo hadda gudbisay feylalkooda ayaa la xaqiijiyay inay gaarayaan ilaa 300-Murashax oo dooneysa inay iska dhex aragto Liiska Golaha Wasiirada, waxa ayna tani jahwareer galisay Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaare Kheyre oo iyagu kala xulanaaya xubnaha.
Musharaxiinta gudbisay Codsiyadooda ee gaaraya 300-Murashax ayaa sidoo kale laga doonayaa inay kasoo dhexbaxaan ugu badnaa 30 Wasiir, waxaana xusid mudan in Wasiirada cusub ay kamid noqon doonaan beelo dhowr ah oo aan horay u muuqan.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa si cad u diiday in Xukuumada cusub lagu soo darro Siyaasiyiinta lagu tuhmaayo Danbiyada Qaran.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad